Somali News

TOP NEWS: Dhageyso Cali Khaliif Galeyr oo ku Dhawaaqay Go’aan Aad loola Yaabay kadib markii uu sheegay in Soomaliland ay…..

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay Wada Hadalada u dhaxeeysa Soomaliland iyo Khaatumo wuxuna sheegay in meel wanagsan ay Marayan wada hadalkaasi.

Galeyr oo Hadalkiisa laga dheehan karay Mid ku qanacsan ku Biirista Maamulka Soomaliland ayaa waxa uu sheegay in Khaatumo ay la Midoobeyso Soomaliland Hadii wada hadalada la isku Afgarto Soomaliland ay ku dhaqaaqdo go’aan u dan ah Shacabka Khaatumo.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in maamulka Khaatuma ay diyaar u yihiin in ay raacaan oo ay la midoobaan maamulka Somaliland.

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa sheegay in Hadii Khaatumo ay ku biirto Soomaliland Macnaheeda aysan aheyn in uu isaga doonaayo in Madaxweyne uu ka noqdo Soomaliland ama Xili doon uu ka yahay Maamulka Soomalialnd.

“Shacabka Khaatumo waxa ay u baahanyihiin Nabad iyo Daganaasho Mesha ay ka heli karaana waan raaceena waad aragtaan Xamar Maxay noo qabatay Mamaulada kale ee dariska nala ah maxay noo qabteen Khaatumo meesha ay Nabad ku heli karto wey aadeysaa” ayuu Hadalkiisa Raaciyay Galeyr

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Related posts

Baarlamaanka Puntland Oo Loo Gacan Geliyey Mooshin Cusub Oo Ka Dhan Ah Shirkada DP World

admin

DEG DEG: Qaraxyo xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas Culus oo la Maqlaayo

admin

TOP NEWS: Nabad Sugida Soomaliya oo Shaacisay Magaca Sarkaal Alshabaab ka tirsan oo Ciidanka NISA ay Gacanta ku dhigeen

Tifaftiraha K24