Animation

TOP NEWS: Dhageyso Barakac xoogan oo ka Bilowday Galgaduud iyo taliska Ciidanka Dowlada oo ….

no responses
Monday September 19, 2016 - 6:53 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo cusub ay maanta dhex marayeen ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo maleeshiyada ururka Al-Shabab.

Dagaallada ayaa waxa ay ka dhaceen degaan u dhexeeya Wabxo IYO Dac ee Goboka Galguduud, waxaana weli caddayn khasaaraha dagaalkan isgaarsiinta oo liidata awgeed.

Dhinaca kalena dadkii deganaa degaanadii ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada dhowaan isaga soo baxeen ee Goballada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa billaabay in ay ka barakacaan cabsi iyo hanjabaad ay ka heleen Al-Shabaab aawgeed, sida ay noo sheegeen dadka degaanka.

Qaar kamid ah Dadka ak soo barakacay Deegaanka Bud bud ayaa Laanta Afka Soomalia ee VOA ayaa u sheegay in ay guryahooda ka soo xaqeen haatana ay ku suganyihiin Dagmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Dadka deegaanada Galgaduud ka soo Barakacay.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Dagmada Galcad ee Gobolka Galgaduud  Cabdulle Raage Maxamuud ayaa ka mid ah Dadka soo barakacay  waxa uu sheegay in Dadkii daganaay Dagmada Galcad ay ka soo barakaceen waxaana uu xusay in dad ku dhaw 1,300 kun iyo seddex boqol oo ruux ay soo barakaceen wuxuuna xusay in deegaanada Bud bud Galcad iyo galhareeri la gubay xeta guryahooda la dulmarsiiyay Katarabiil.

Halkaann Hoose ka Dhageyso Guddoomiyaha Dagmada Galcad

Taliyaha Ciidamada Dowlada ee Bariga Galgaduud General Axmad Maxamad Tareedisho ayaa waxa uu sheegay in Deegaanadi ay isaga soo barakaceen dad badan sababo jiro awgeed wuxuuna xusay in aysna jirin sabab dadkaasi ay usii joogaan deegaanadooda Maadama buu yiri in Xoolo badan la goowracay 60 Neef oo geel ah ayuu sheegay in la gowracay iyadoo aan wax baahi ah loo qabin wuxuuna ku tilmaamay dabar goyn shacbi iyo xoolahooda.

Sidoo kale Generaal Tareedisho ayaa ku eedeeyay Saraakiisha Sare ee Ciidanka Xooga Dalka in ay dayaceen Ciidankii Galgaduud ka dagaalamayay Maadama xuquuqdooda la iloobay wuxuuna dowlada ku eedeyay in ay ku tashaneyso ciidanka Ajaanibta ah ee Dalka joogta oo aysan u baahneyn ciidan qaran iyo wax u qabashadooda iyo ka war qabka Baahida Ciidanka Xooga Dalka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka General tareedisho