Animation

TOP NEWS: Dhageyso Badda Soomaliya oo Halis weyn laga sheegaya in ay ku Sugantahay Waqtigaan

2 responses
Friday November 18, 2016 - 12:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Gudoomiyaha Hay’ada Cilmi Baarista Baddaha soomaaliyeed Mudane Admiral Gaas faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa waxa uu ka hadlay arima dhowr ah oo ay ka mid tahay dhibaata uu sheegay in ay ka jirto badaha soomaaliiya.

Admiralka ayaa sheegay in Maraakiibta shasheeye dadkeena ay u arkaan in ay yihiin Burcad badeed islamarkaan ay qabtaan kana dhigaan dad dimbiliyaal ah.

Waxa uu sheegay in xiligaan ay badaha soomaaliya ay ka buuxaan maraakiib iyo dooma shisheeye ku waasi oo doon yahay ay leeyihiin kuluumaysatada soomaaliyeed aad udhibaateeya, waxa uuna tusaale usoo qaatay arin ka dhacday Eayl oo doomo qalabkii ay ka jareen ka dibna ay bada galeen.

Hay’adu waxa ay walaac ka muujisay dhibaatada ka jirta biya soomaaliya waxaana horay arinkaasi ugu gudbinay dowlada soomaaliya waxaana sidoo kale aan ku daabacnay Journal oo aan uga hadleeno dhibaatada maraakiibaha shisheeye Sidaasi waxaa yiri Faarax qare,

Ma jirta xiligaan Burcad badeed waayoo waxaa la dhisay maamul Gobaleedyo Goobihii ay ku soo xiran lahaayeen Maraakiibta ay af duubtaan waxaa hada maamulka Maamul Gobaleedyada marka waxaa Muhiim ah in maamulada dalka ay difaacdaan Xeebahooda ayuu Yiri Gudoomiyaha Hay’ada Cilmi Baarista Badaha Soomaaliya Mudane {Faarax Qare}.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka