Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso: Axmad Madoobe oo Farta ugu fiiqay Xildhibaanada Cusub Madaxweynaha ay….

Madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Ksimaayo ayaa baaq iyo Dardaaran waxa uu u diray Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka soomaliya.

Mudane Axmad Madoobe ayaa xildhibaanada ugu baaqay in aysan Lacag ku dooran Musharaxa Madaxweyne Balse ay ku doortaan Tayadiisa iyo wax qabadkiisa.

Axmed Madoobe, ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal inaysan dooran musharax ay lacag ka qaateen, balse ummada Soomaaliyeed u dooraan musharax dhibaatada ka saari kara.

“Baarlamaanka waxaan leeyahay raadiya dad isku wadi karaya xaaladan adag oo aqoon leh, kuna doorta aqoonta iyo kartida uu leeyahay, arinta labaad doorashadaan doorashadii hore wey ka kulushahay, wey ka lacag badan tahay, weyna ka lagdin badan tahay”.

“Waxaan rabaa inaan u sheego xildhibaanada, yuu noqonin codka qofkii lacag heystaa inaad la eegtaan, ee ha noqoto in qofka lala fariisto, in la qiimeeyo oo la yiraahdo qofkan muxuu soo kordhin karaa, muxuuse qaban doonaa, ha ahaado mid cusub, mid horey u joogi jiray iyo mid hadda joogaba, waxay u baahan tahay in qofka awoodiisa miisaan saartaan”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu si cad u sheegay in musharaxa dhaqaalihiisa ku soo baxaa, inuu ka fakarayo sidii uu usoo ceshan lahaa lacagtiisa, laakiin bulshada Soomaaliyeed ay ka sugeyso waxqabad muuqda.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Related posts

Beesha caalamka Maxay ka tiri doorashadii Ahmed Maddobe??

admin

DEG DEG: Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo laga Keenay oo gabi ahaanba Bur buray

admin

AKHRISO:- Maclumaad dheeraad ah oo laa helay qaraxyadii Zoobe iyo Hotel Naasa Hablood

Ahmed sudani