Animation

TOP NEWS: Dhageyso Amisom Sidee u Aaragtaa Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaliya Saameyn Intee la eg ayeysa ku Yeelan Kartaa Howlgalkooda????

no responses
Friday October 28, 2016 - 7:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada Ethiopia ayaa maalmahanba waxa ay ka baxayeen saldhigyo ay ka degganaayeen gudaha Soomaaliya taasoo keentay in meelihi ay faarujiyeen ay qabsadaan maleeshiyada Al Shabaab.

Dadka deegaanada ay ka bexeen ku noolaa ayaa qaarkood loo diley sababo ku aadan inuu ku dhawaa ama uu taageersanaa ciidamada Ethiopia. Dad badan ayaa la sheegay in ay dantu ku kalliftay in ay barakacaan.

Howlgalka Amisom ayaa ka hadlay Ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Soomaliya iyo Saameynta uu ku yeelan karo Howlgalkooda.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM  Jeo Kibet oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay ka Xun yihiin Ciidamada Itoobiya ee ka baxay qeybo ka mid ah Soomaaliya,waxaana uu sheegay in Ciidamada baxay aysan ka mid aheyn Howlgalka AMISOM  oo ay ka madax banaan yihiin,balse ay Soomaaliya ku joogeen Heshiis Labada Dowladood dhex maray.

Jeo Kibet ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay shaqo fiican hayeen islamarkaana ka bixitaankooda Soomaaliya ay dhaawaceyso Dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab..

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka