Animation

TOP NEWS: Dhageyso AMISOM oo jawaab kulul ka bixisay amarkii ka soo baxay guddoomiyaha gobolka banaadir

no responses
Tuesday May 9, 2017 - 2:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Howlgalka amisom ayaa ka hadlay amarkii xalay ka soo baxay maamulka gobolka banaadir ee ku aadanaay in gaadiidka ciidanka amisom aysan isticmaali karin wadada makka al-mukarama.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet oo wareysi siiyay idaacadda risaala ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay amarka kasoo baxay guddoomiyaha gobolka banaadir.

Afhayeenka wuxuu xusay in baraha bulshada ay ka arkeen amarka guddoomiyaha gobolka ka soo baxay balse aysan jirin warqad amar ah oo amisom la soo gaadhsiiyay.

“Anaga wax warqad ah nama soo gaarin, waxaa ku aragnay oo kaliya baraha bulshada” ayuu warbaahinta u sheegay Joe Kibet.

“Illaa iyo hada Taliyaha AMISOM warqad gacanta loo geliyay ma jirto, hadii ay na soo gaartana Taliska oo dhan ayaa ka shiraya, go’aan ayaa ka soo saari doonaa”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Gaadiidka ciidanka amisom ayaa maanta si caadi ah u istcimaalayay wadada makka al-mukarama oo laga mamnuucay mana jirin askar ishortaag ku sameysay ciidanka amisom .

Amarka gaadiidka ciidanka amisom looga joojiyay wadada makka al-mukarama ayaa timid ka gadaal markii ay soo kordheen shilalka ay geysanayaan gaadiidka ciidanka amisom oo dadka rayidka ah ay waxyeelo ka soo gaadho.