Animation

TOP NEWS: Dhageyso Al-shabaab oo Cawada Dagaal Culus ku qaaday Dagmo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe Maxaase ka jira in ay la Wareegen Halkaasi???

no responses
Sunday November 27, 2016 - 7:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya Dagmada Mahaday ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxa ay sheegayan in Weerar ay kusoo qaadeen Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab Fariisin ay Ciidamada Dowlada ku leeyihiin Mahadaay.

Ciidamo Hubeysan oo Alshabaab ka tirsan ayaa Weerar kusoo qaaday Fariisimo ay Ciidanka ku leeyihiin Meel aan sidaasi uga fogeyn Saldhiga dagmada Mahadaay ee Gobolka shabeelada dhexe.

Warar Is khilaafsan ayaa kasoo baxaya Dagaalka iyo qasaaraha ka dhashay waxaana wararka qaar ay sheegayan in Alshabaab ay Magaalada la wareegen oo Ciidankooda ay Gudaha magaalada soo galeen.

Dagaalka ayaa waxa uu socday Mudo 30 daqiiqo ku dhaw Waxaana Dagaalka xoogiisa uu ka dhacay Meel aan ka fogeyn Saldhiga Dagmada Mahaday.

hadaba Si aan Xog Badan uga helno Dagaalka ka dhacay Dagmada Mahaday waxaan Goordhaw oo cawada ah aan qadka Taleefanka Magaalada Jowhar kula xiriirnay Guddoomiye ku xigeenkii Hore Dhanka Maaliyada Dagmada Mahaday Maxamad Bashiir qaasim Daqare oo Hadana kamid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Hirshabeele.

Daqare wuxuu sheegay in aysan jirin Ciidamo Alshabaab ka tirsan oo Magaalada la wareegay isagoona ku tilmaamay weerar kooban oo Koox yar ay Magaalada kusoo qaaday.

Dhanka kale wuxuu xusay in Dagaalka uu qasaaro badan geeysan oo Hal askari kaliya uu ku dhaawacmay Dagaalka Qasaaro kalana uusan jirin Dhanka kooxda weerarka soo qadayna Qasaaro loo geestay siduu hadalka u dhigay Guddoomiye ku xigeenkii Hore ee Maaliyada Dagmada Mahaday Maxamad Bashiir qaasim Daqare.

Xaalada Magaalada ayaa Hada dagan waxaana gacanta ku haaya siduu sheegay Ciidamada Dowlada oo Horayba Magaalada ugu sugnaay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga