Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka oo ka Hadlay Howlgaladii ugu Dambeeyay ee Gobolka Sh.Dhexe iyo deegaanada ay hada Ciidamada ku suganyihiin

Ammaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreye Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji oo horkacaya howlgal ciidamada ay ka wadaan deegaanada fara kutirsaka ah ee Al-shabaab ay kaga harsanyihiin gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanno iyo tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee Gobalka Sh/dhexe.

Ammaanduulaha ayaa sheegay in Howlgalka hadda Socda ay qaadeen Ciidanka Xoogga dalka isla markaana aysan qeyb ka aheyn Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM marka laga reebo talooyinka iyo farsamada uu ku duulayo ciidanka Xoogga.

“Ciidanka Diyaargaroow ayuu waday maalmihii lasoo dhaafay, waxa ay dib ugu laabteen deegaanada Ruun-nirgood,Masaajid Caligaduud, majirin wax iska caabin ah aan kala kulnay, howlgalkuna wuu sii soconayaa inta laga saarayo maleeshiyaadka 9-kii sano ee la soo dhaafay boobka iyo go’doonka galiyay dadka ku nool gobalka horay ayaana u socon doona illaa aan isku furno gobalada dalka”.

Ammaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in aysan Gacmaha ka laaban doonin boobka,dhaca iyo hagar-daamada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in cabsida ay ka saarayaan dadka maatida ah ee dhibka ku reebeen kooxaha nafla-caariga ah ee Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

 

Related posts

War hada: Dableey Hubeysan oo Goordhaw Dhaawac Halis ah u geestay Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Maamulka…..

Tifaftiraha K24

HRW oo kenya ku eedeysey in ay jir disho Somalida

admin

War cusub: Diyaaraddihii qaadka keeni jiray muqdisho oo maanta ka dagay jowhar maxayse tahay sababta ay xamar u imaan waayeen????

Tifaftiraha K24