Animation

TOP NEWS: Dhageyso 3Ruux oo Dil Toogasho ku Xukun-naay oo shalay lagala Baxay Xabsiga Magaalada….

no responses
Monday September 5, 2016 - 6:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Maamulka Soomaliland ayaa qiray in Rabshadihii shalay ka dhacay Magaalada Laas-caanood ay keeneen in Xabsiga Magaaladaas lagala baxo 3Ruux oo Dil Toogasho ku Xukunaay.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada cadaalada Maamulka Soomaaliland  Yuusuf Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 3 ruux oo xabsiga Magaalada Laas-caanood ku jirtay lagala baxay xabsiga, isagoo sidoo kale sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda hormarka Maamulka Soomaaliland, loona baahan yahay in ay u midoobaan shacabka iyo Dowladda sidii dadkaasi looga hortagi lahaa.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Soomaaliland ayaa tacsi udiray dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay Magaalada laas-caanood, isagoo dhanka kalena caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay rabshadahaasi.

Shalay ayey aheyd Markii Magaalada Laascaanood ay ka dhaceen Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Soomaliland iyo Maleeshiyo Deegaanka ah waxaana dagaalkii shalay la sheegay in Ciidanka Soomaliland looga saaray Magaalada Laas-Caanood.

Facebook Comments