Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso 24kii saac ee la soo dhaafay Muqdisho waxaa lagu qabtay 3 gaaro oo laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa

Iyadoo Saakay aroortii Ciidamada Nabad Sugida ay ku qabten dagmada Hodan ee gobolka banaadir gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa ayaa waxaa ka hadashay Wasaarada Amniga Soomaliya.

Qaraxyada ayaa la sheegay in ay ahaayen laba qaraxa mid ka mid ah waxaa lagu qabtay dagmada hodan waxaana labada gaari ee qaraxa lagu xiray midkood uu lahaa qof shacab ah oo meel Parking ah gaariga dhigtay.

Afhayeenka wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya Cabdi kaamil Macalin shukri oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka oo ka duulaya Xog Rasmi ah oo ay ka heleen Shacabka ayey ku soo qabteen laba gaari oo nooca raaxada ah laguna soo xira waxyaabaha qarxa .

Afhayeenka waxaa uu intaasi ku daray in shacabka muqdisho ay garteen nabada iyo in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga taasina ay keentay in saakay Ciidamada ay qabtaan Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lo adeegsan lahaay in lagu qalqal galiyo Amniga Muqdisho.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaarada Amniga

Related posts

Daawo: Madaxweynaha Jubaland oo u hambelayeeyay xulka Kubadda cagta Jubaland

admin

DEG DEG: Ciidamo hubeysan oo garoonka cadaado ka celiyay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka galmudug oo muqdisho ka dhoofay

Tifaftiraha K24

Kooxda Alshabaab oo Dagmada Jilib ku toogatay Laba Ruux oo ay ku Eedeyen in ay Basaaseen Saraakiil sare oo……

Tifaftiraha K24