Animation

Top-News-Dhagayso Xabad Joojintii Yoocaale Oo Burburtay Iyo Xaalada Oo Kacsan Iyadoo Rasaas Goos Goos ahna Ay Dhacayso

no responses
Tuesday November 15, 2016 - 12:49 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

Xabad Joojintii Tuulada Yoocaale ayaa burburtay saaka barqadii kadib markii ay maleeshiyaad kasoo jeeda xeraale wadada u galeen baabuur xaajiyad ah oo ka yimid dhinaca Caabudwaaq oo ku sii jeeday Tuulada Ari-Cadays taasi oo keentay in markale ay burburto xabad joojin mud sadex maalmood ah oo ay wada gaareen odayaasha labada dhinac kasoo kala jeeda taasi oo maanta ku ekayd.

Xaalada ayaa hada kacsan waxaana laga maqlaya goobihii ay ciidamadu isku hor fadhiyeen xabado goos goos ah .

Axmed Daahir oo ka mid ah Ciidamada Hada ku sugan Ceelasha iyo Goobaha ay Ciidamadu isku hor fadhiyaan ayaa iiga waramay xaalka hada siduu yahay waxaana uu sheegay in xabado goos goos ah ay dhacayaan lagana cabsi qabo in saacad kasta laga yaabo in dagaalo dhaco

Dagaalada u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyada ee ku salaysan dhulalka miyiga ah ee xiliyada roobabku da’aan ayaa soo laab laabta waxaana markasta ku dagaalama dadka xoolo dhaqatada ah kuwaas oo isugu yimaada dhul-daaqsimeed .

HOOS KA DHAGAYSO CODKA-AXMED DAAHIR