Breaking News Somali News Top News

Top News:- Dhagayso Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay arin Taarikhi ah….

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa booqday isbitaal Madiino oo ay ku jiraan dhawacyadii ay wax kasoo gaareyn qaraxii ka dhacay Muqdisho ayaa sameeyey ballanqaad weyn.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay isbitaal Madina dhexdiisa ayaa ballan qaaday inuu isaga daaweyn doono qof kasta oo ku dhaawaco qaraxyada ay Al-Shabaab ka geystaan Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballan qaaday inuu dadka ku dhinta weerarada Al-Shabaab ay dowladiisa si joogta ah wax u siin doonto qoyskii uu ka dhintay

.

Farmaajo ayaa hadalkaan sheegay xilli uu caawa mid mid usoo booqanayey dadkii ku dhaawacmay qaraxii weynaa ee maanta gilgilay Xaafadda Kaawo Goddey.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweyay Balanqaadka Madaxweyne Farmaajo waxayna sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu ka soo baxay  waxqabadkii ay ka sugayeen.

Inta badan dadka wax ku noqda qaraxyada Muqdisho  waxay u badan yihiin danyar aan iska bixin kariin  lacagaha  Caafimadka iyo waliba jiifka Hospitaalka oo Habeenwalba ah  ugu yaran 20$ waxayna arinkaani u tahay farxad weyne.

Haddaba hoos ka dhageyso codka madaxweynaha iyo ballan qaadkii uu sameeyey.

 

Related posts

Madaxweynaha Uganda 5000 Askari u soo diraya Soomaaliya [Akhriso shuruud uu ku xiray]

admin

Sawirro: Qalbi Dhagax oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb Muxuuse yahay Qorshahiisa?

admin

DIGNIIN: Wasiirka Amniga Galmudug “Dagaalka Gaalkacyo Wuu Dhacayaa, Hadii…………………………….” (XAALADU MA SAHLANA)

Tifaftiraha K24