Animation

Top News:- Danjire Nicholas Kay oo Garowe Kula Kulmay Ex Madaxweyne Faroole

no responses
Thursday November 19, 2015 - 7:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ergayga gaarka ah QM u qaabilsan Somalia Danjire Nicholas Kay ayaa saaka ku booqdey hoyga uu Garowe ka degan yahay madaxwaynihii hore Puntand Cabdiraxman Farole halkaasoo uga bilowdey kulan ay saxaafadu dibadda ka joogto.

Kay ayaa xalay madaxtooyadda kula kulmay madaxwayne Gaas waxayna ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada. Wuxuna Kay Puntland ku amaanay dowrka ay ka qaadatay xaalada dalka iyo horumarada la gaaray.

Balse kulanka Farole & Kay ayaan la aqoon wuxuu salka ku hayo,Farole oo maalmo ka hor saxaafada la hadlayay ayaa ku taliyay inaan dib loogu laaban nidaamka 4.5 oo doorashada lagu saleeyo qaab deegaan.

Danjire Kay ayaa waqtigiiisii Soomaaliya dhammaadey wuxuna xilkan hayay labo sano iyo bar, isagoona markaa badalay Mahiga,waxaana la filayaa inuu safarkiisa uu ku yimi Puntland uu salka ku hayo macalaamaynta Kay uu udirayo dadka Soomaaliyeed.