Animation

TOP-NEWS: Daawashada aflaamta Hindiga ah oo laga Mamnuucay…

no responses
Saturday October 1, 2016 - 7:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wadanka Bakistan ayaa la sheegay in maamulayaasha shineemooyinka waaweyn ee dalkaas ay mamnuuceen daawashada aflaamta Hindiga ah.

Arintan ayaa ku soo beegantay xili ay sii kordheyso xiisada colaadeed oo u dhexeysa dalalka Bakistan iyo India taasoo ka taagan xadka labada dal ay wadagaaan kaasoo kala qeybiya gobolka Kashmir.

Amarkan ayaa saameeyey shineemooyinka ku yaala magaalooyin ay ka mid yihiin Lahore, Islamabad, Karachi iyo kuwo kale, iyadoo milkiilayaasha shineemooyinku sheegeen in talaabadan ay ku taageerayaan ciidamada wadankooda ee difaaca kaga jira xadka India.

Xiisada labada wadan ka dhex aloosan ayaa bilaabatay maalmo ka hor ka dib markii kooxo mintidiin ah ay laayeen 19 askari oo ka tirsan ciidamada India, weerarkaasoo ka dhacay gobolka Kashmir qeybta India ay Maamusho.

Dowlada India oo weerarkan ka careysan ayaa ciidamo soo dhoobtay xadka labada wadan iyadoo ku eedeeysay Bakistan iney weerarkaas kaa dambeysay, hase ahaatee Bakistan ayaa eedeyntaas beenisay iyadoo intaa ku dartay in weerar kasta oo lagu soo qaado ay diyaar u tahay iney iska difaacdo.

Waxaa la sheegay in sababo aan la ogeyn awgood uu u baaqday kulan deg deg ah oo masuuliyiinta labada wadan la isugu keeni lahaa, waxayna wararku sheegayaan in kumanaan qof ay ka qaxeen gobolka Kashmir iyagoo ka baqaya inuu saameeyo dagaalka laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo.

Muranka ka taagan gobolka Kashmir oo labada wadanba ay wada sheeganayaan ayaa soo taagnaa muddo fog, iyadoo ciidamada labada wadan ay dhowr jeer horey ugu dagaalameen gobolkaasi.