Top news:- Cudurka HIV AIDS ka oo aad ugu so batay Kismaayo iyo Ciidamada Jubbaland oo qayb ka ah fidida….

0
Cali Cabdullaahi oo ah madaxa qaybta Cudurka Aids-ka ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay  Dadka la nool xanuunka Adis-ka ku sugan  Magaalada Kismaayo.

 

 Sarkaalkaan ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Jubbaland, ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale ay jiraan dad kale oo xanuukaan la nool, kuwaasi oo ku sugan deganada Jubbaland, sida Gobolka Gedo, Gobolka Jubbada Dhexe iyo Gobolka Jubbada hoose.

 

Wuxuu sheegay tirada inay badan yihiin, balse dadka hadda u diiwaangashan Wasaaradda caafimaadka Jubbaland ay tahay 45 ruux oo ku sugan Magaalada Kismaayo.

 

Tirada haweenka iyo raga qaba HIV/AIDS ka ee ku nool kismaayo ayaa kor u sii kacaysa  waxaana lo  sababaynaya in 100%40 dadka ku nool Magaalada Kismaayo ay ka kala yimaden wadamada kenya iyo Itobiya  oo ah labada wadan ee ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee la nool  viruska HIV/AIDS.

Dadkaan ayaa magaalada Kismaayo soo dagay shantii sano ee ugu danbaysay waxayna intooda badan  qorteen Ciidamada kala duwaan eee Jubbaland 

Maxamed Abdi hasan oo ka mid ah waalidiinta qaar ka mid ah awladooda ay la nool yihiin Viruska HIV ayaa sheegay in  gabadhiisa cudurkaani uu uga yimid kufsi uu u gaystay askari ka mid ah Ciidamada Jubbaland wuxuna  sheegay in Askarigaasi uu si  xor ah Magalada u marayo oo aan wali cadaalada la horkeenin.