Somali News

TOP NEWS: C/raxmaan c/shakuur” Madaxweyne farmaajo iyo ra’isul wasaare kheyre waxaa horyaala 5 arimood oo caqabado ku ah”

Waxaan is waydiiyey caqabadaha horyaala Dawlada cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre. Way badan yihiin laakiin Waxaan ku soo koobay shan arrimood.

1- Xoogag xididaystay oo danaysi ku dhisan kuwaasoo dowlada ka awood badan. Waa xoogag dhinac dhaqaale, amni iyo samafal intaba leh.

2- Dalka oo ku jira xaalad la gudoomin oo ay tahay in is ogol wax lagu wado taladuna ay ka dhaxayso Dawlada Federaalka ah, Dawlad goboleedyada, dawladaha deriska dhow iyo kan durugsan iyo Beesha Caalamka. Hadii la soo koobo waa Soomaali is haysa iyo ajnabi ciidan iyo dhaqaale bixiya.

3- Kayd dhaqaale oon jirin , khasnad maran iyo dakhli kooban. Musuqmaasuq baahay oo saameeyey dhamaan hay’adaha Dawlada, iyo madax macalin ku noqotay sida loo indho sarcaadiyo madaxda cusub loona muujiyo wax qabad looga gaashaanto la xisaabtan dhab ah .

4- Loolan adag oo u dhexeeya deriska dhow iyo kan durugsan oo ku aadan saamayn ku yeelashada Soomaaliya iyo xaqiijinta danaha amniga dalalkooda.

5- Fursad siin la’aanta madaxda, iyadoo ay cid walba ku hanjabayso in ay tabartooda tusayaan hadii ay tooda meelmarin. Ma jirto cid tiisa la qaban karo Hadii aan tan guud la qaban.

Related posts

Akhriso: Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha soomalia oo gabi ahaanba soo afjartay jiritaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha

Tifaftiraha K24

War Cusub: Wasiirka Awqaafta iyo Diinta oo ka Codsaday Imaamyada Masaajida Dalka In Maalinta Jimcaha laga Tukado Salaada Roob doonka

admin

Faallo: Khilaafka Hirshabelle:-“Ma Fowdo Siyaasadeed, Mise Faafreeb Maamul?!”

Tifaftiraha K24