Somali News

TOP NEWS: Ciidamada NISA oo kaashanaya Ciidamo Ajaanib ah oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay Guri ku yaala Meel aan sidaas uga fogeyn Saldhiga Dagmada Waabari ee…

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan guri ku yaal meel ku dhaw Saldhiga Degmadaasi ciidamada Nabad Suggida Somaliya iyo ciidan Ajaanib ah ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay.

Ciidamada ayaa xiray wadada, waxaana ay galeen guri aanan ka fogeyn Saldhiga Degmada Waaberi, halkaasi oo ay kala soo baxeen labo ruux.

Ciidanka ayaa si toos ah u abaaray Bartilmaameedka gurigii uu ahaa, waxa ayna soo qabteen labo ruux oo sida la shegay ciidamada ay hayeen xogtooda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamada inay u sheegeen haweenayda guriga leh hadii loo baahdaa oo macluumaad dheeri ah looga baahdo in loo imaan doono.

Haweenayda guriga iska leh ayaa sheegtay inaysan macluumaad ka haynin labada nin ee ciidamada Nabad Suggida guriga ay kala baxeen.

Labadan ruux ee bartilmaameedka uu ahaa ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan Ururka Al Shabaab, inkastoo hawlgal gaar ah oo lagu bartilmaameedsaday lagu soo qabtay raggaan.

Related posts

Daawo: Belweynta Dagoodiye oo fariin cad u dirtay Axmed Madoobe iyo kooxdisa Raskamboobi

admin

Daawo: Madaxweynaha jabuuti oo loo soo dhaweeyay qaab ka duwan sida masuuliyiinta kale loosoo dhaweeyay

admin

DEG DEG: Qarax aad u xooggan oo lagu weeraray xarunta Dagmada Hodan ee Magaalada Muqdisho

admin