Somali News Top News

TOP NEWS: Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom oo la sheegay in..

Diblomaasiyiin reer Yurub ah ayaa sheegay inay Midowga Yurub qorsheynayaan, inay dhimaan lacagta faraha badan ee ay siiyaan ciidanka nabad ilaalinta ee dalka Burundi ka jooga Somalia. Talaabadan ayay isku dayayaan in ay culays ku saaraan madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza.

Diblomaasiyiintu waxay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in lacagtaas aan dib dambe loo soo marsiin doonin dowaldda Burundi. 20% oo ay dowladdu la hari jirtay, oo u dhiganta 13 milyan dollar sanadkii, ayaa la jari doonaa.

Ciidamada Burundi ee ka tirsan howl galka AMISOM ayaa waxa uu askari kasta bishii mushaar ahaan uu u qaataa 1,000, iyadoo la sheegay in dowladda Burundi ay dalka Soomaaliya ka joogaan 5,400 askari.

Related posts

Roob Mahiigaana Oo Ka da’ay Degaanka Xinlabi

Ahmed sudani

Daawo: Qaabka ay ciidamada galmudug usoo bad baadiyeen bad-maaxiyiintii u dhashay dalka hindiya

Tifaftiraha K24

War hada: Wabiga shabeelle oo fatahaadii ugu horeysay ka sameeyay deegaan 8-km dhinaca Waqoyi Bari kaga beegan magaalada…..

Tifaftiraha K24