Somali News

Top News: Ciidamada Amanka Galmudug oo howlgal ay sameyeen ku qabqabtay….

Ciidamada ammaanka ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgallo ay ka sameeyeen wadada u dhexeysa Gelinsoor iyo Gaalkacyo ku soo qab qabtay maleeshiyaad jidgooyin halkaasi dhiganayay.

 

Howlgallada ciidamada amniga ay wadada ka sameeyeen ayaa ahaa mid looga gol’leeyahay sidii looga hortagi lahaa maleeshiyaadka dhibaateynaya dadka iyo gaadiidka ee isticmaala wadada u dhexeysa Gaalkacyo iyo Gelinsoor, taasi oo kal hore ay shacabka ka codsadeen in maamulka uu arrimahaasi wax ka qabto.

 

Taliyaha amaanka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug  ayaa sheegay  in maleeshiyaadka la xiray lala xisaabtami doono si looga hortago dhibta ay bulshada ku hayeen .

Bil ka hor ayay ahayd marki shirka golaha wasiirada Galmudug  lagu ansixiyay in wax isbaaro ah aan la dhigan karin wadada u dhaxaysa galkacyo iyo Galinsoor waxana  go,ankaasi ila iyo hada laga sameyay hormar.

 

Related posts

Maamulka G/Hiiraan oo Sheegay in Shabaab Soo baxsaday ay Soogaareen Gobolka

Ahmed sudani

Warbixin: heshiiski kadib maxaa Kismaayo iska badalay???

admin

SAWIRRO: Musharrax Cabdi Dheere oo Caabudwaaq lagu soo dhoweeyay.

admin