Animation

TOP NEWS : Cabdi Waal oo sheegay is dhiibitaankii Liibaan Madaxweyne inuu baajinaayo dagaal dhexmara Ahlu Sunna iyo Galmudug.

no responses
Monday September 14, 2015 - 8:39 under Somali News by admin
mqdefault

Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaan (C/waal) ayaa wuxuu ka hadlay is dhiibitaankii Liibaan Madaxweyne uu isku dhiibay Maamulka Ahlu Sunna Ee Gobolada Dhexe

C/waal wuxuu sheegay tallaabada uu isku soo dhiibay Liibaan Madaxweyne inay tahay mid wanaagsan, wuxuuna ku tilmaamay mid ay qaateen ciidan qaran oo ka tirsanaa Dowladda Federalka Somaliya oo goostay inaysan la dagaalamin shacabkooda.

C/nuure Siyaad C/waal waxa uu sheegay inuu baaqday dagaal ay suuragal aheyd inuu ka dhaco Gobolka Galgaduud oo dhexmara Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug, waxaana sabab u ah baaqashada dagaalkaasi is dhiibitaanka Sarkaal Liibaan Madaxweyne uu isugu dhiibay Maamulka Ahlu Sunna.

“Wax gacan qaad ah ma jiraan, waxaana dhameeyay ciidankii ay doonayeen inay isku haligaan shacabka ayaa garawsaday inay dagaalka baajiyaan oo dadka Soomaaliyeed nabadda ay la qaybsadaan, wuxuu gartay inuu dadkiisa la qaybsado nabadda deegaankiisana uu yimaado.” Ayuu yiri C/waal oo la hadlay Idaacada Mustaqbal.

Isaga oo hadalka sii wata C/waal waxa uu tilmaamay inuu la kulmay Sarkaalka ka soo goystay dhanka Maamulka Galmudug , isagoo sheegay inuu wato Sarkaalkaasi ciidamo gaaraya 120 Askari iyo hub aad u fara badan.

Hubka ay ciidanka wataan ayuu sheegay inuu yahay kii Amisom ay siisay ciidamada Xooga dalka Somaliyed, laakiin hubkaasi aysan noqonin kuwa lagu dhibaateeyo shacabka Gobolada Dhexe.

Liibaan Madaxweyne iyo ciidamadii uu watay ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin Deeganada Maamulka Ahlu Sunna uu ka taliyo.