Animation

TOP NEWS: Boqortooyada sacuudiga oo muqdisho usoo dirtay wafdi heer sare ah oo madaxda dowlada ku…..

no responses
Monday June 12, 2017 - 10:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi sare oo ka socda dowladda sacuudiga ayaa maanta kusoo wajahan magaalada caasimadda ah ee muqdisho sida aan ku heleyno warar hoose.

Wafdigan ayaa waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, iyagoo la kulmi doona Madaxda dowladda Soomaaliya.

Mr Jubeyr ayaa safaro ku maraya wadamo badan oo kuwa Islaamka ah, si uu taageero ugu raadiyo qorshaha Sacuudiga doonayo inuu ku go’doomiyo Qatar.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku cadaadineysa dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aankii ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sacuudiga uu siinayo fursadii u dambeysay dowladda Soomaaliya ee ku aadan inay labada dhinac mid la safato.

Todobaadkii hore ayaa la sheegay in La Taliyaha Boqorka Sacuudiga oo safar qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho uu kala laabtay natiijo la’aan, kaddib markii dowladda Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto Qatar.

Shalay ayay aheyd markii Wafdi uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar uu soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu dowladda Soomaaliya ugu mahad celiyo go’aanka dhex dhexaadnimada ay qaadatay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo shalay ku kulmay Madaxtooyada

Wasiiru dowlaha ayaa la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga hadlay xiriirka labada dal, inkastoo kulamadan ay ahaayeen kuwo Saxaafada aanay goob joog ka aheyn, hadana wax faah faahin ah dowladdu kama soo saarin.

Soomaaliya ayaa la kulmeysa cadaadis uga imaanaya Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga, waxaana heysata labo daran mid dooro ah, cidii ay la safan laheyd.