Animation

TOP NEWS: Beesha hawiye oo kulankii ugu weynaay maalinta beri ku yeelaneysa magaalada muqdisho maxaase looga hadli doona??

no responses
Tuesday May 16, 2017 - 10:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada muqdisho waxaa maalinta beri lagu wadaa in uu ka dhaco  kulan balaaran oo ay isugu imaanayan waxgaradka beesha hawiye.

Kulanka waxaa looga hadli doona maqaamka gobolka banaadir iyo xuquuqda siyaasaddeed ee ka maqan gobolka banaadir iyo dadka ku dhex nool caasimadda muqdisho.

Waxgarad,odayaal,ganacsato iyo mas’uuliyiin ayaa lagu wadaa in kulankaan ay ka qeyb galaan wuxuuna ka dhici doona hotelka city place ee magaalada muqdisho.

Ilo wareedyo aad ula socda kulankaan ayaa waxa ay inoo sheegeen in kulanka beri uu yahay kan ugu weyn oo beesha hawiye ay isugu imaan doonto kaasi oo la filaayo in ay ka soo baxaan go’aanno miro dhalin kara in maqaamka gobolka banaadir la helo .

Mas’uuliyiinta dowladda hada shaqeysa iyo dowladdii ka horeysay ayaa si cad isaga indho tiray xaqqa gobolkaan banaadir uu ku leeyahay siyaasadda iyo awood qeybsiga balse waxgarad,siyaasiyiin,odayaal iyo haween ayaa u xusul duubtay in ay baadi goobaan xaqqa ka maqan gobolka banaadir iyo caasimadda umadda soomaliyeed ee muqdisho.