Animation

Top News : Axmed Madoobe oo markale dib u dhigay Magacaabidda Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubba.

no responses
Friday October 30, 2015 - 8:22 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland waxaa Saaka siwayn looga hadal hayaa dib u dhacda ku yimid dhisamaha Golaha Wasiirada Maamulkaas,waxayna Arintan Subaxnimadii hore ee Saaka ka soo baxday Madaxtooyada Kismaayo.

 

 

Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa Madaxwaynah siiyey in uu ku soo mGacaabo Golaha Wasiirada Maamulkaas mudo labo bilood ah,balse mudadii way dhamatay Waxayna xubnahan Baarlamaanku su’aalo ka waydiiyeen Sababaha dib u dhac keenay,Madaxwayne Axmed Madoobe,wallow Maalmihii la soo dhaafay ayna jirin wax jawaab ah oo Madaxwayne Axmed Madoobe uu ka bixiyey arintaas.

 

 

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Maxamed Islaam ayaa Xubnahan Golaha Baarlamaanka u cadeeyey labo bilood kadib in ayna jirin Gole Wasiiro oo uu soo wado,wuxuuna sheegay in Armo badan oo isbadal awood uu Madaxwyane Axmed Madoobe dib u dhigay Golaha Wasiirada Maamulkiisa,isagoo sheegay in xaalada xiligan lagu jirto darteed ay sababtay dib u dhaca Golah Wasiirada Maamulkaas.

 

Sida ay Noo xaqiijiyeen Xubno Xog Ogaal ah oo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland,Wuxuu Madaxwayne Axmed Madoobe ka yiri dib u dhaca Magacaabista Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland.

“Dib u dhacan Waan mid Sabab leh Waxaana Go’aansaday in aan dib u dhigo  Sadex Bilood “3” Maadaama loo baahan yahay in dib u heshiisiin deegaanada Jubbaland ay ka dhacdo,arinta oogu muhiimsan waa tan dib u heshiisiinta,Dhismaha Golaha Wasiirada iyo Maamulada deegaanada Jubbaland,waxaa ka wayn oo ka horeeya in aan samayno dib u heshiisiin”Waxaa sidaas yiri Madaxwayne Axmed Madoobe oo la hadalayey Xubnaha Golaha Wasiiradii,Baarlamaanka,iyo Siyaasiyiin kale.

 

Inta badan Wararku waxay sheegayaan in arinta ugu wayn ee dib u dhaca  Magacaabista Golaha Wasiiradu ay tahay,tan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Gobolka Gedo oo ilaa hada aan xalkeeda la haynin,Siyaasiyiintii hawshaas Hormuudka u ahaana ay Xiligan ku kala qaybsanyihiin aragtida dhabta ah ee ay ka qaadan doonaan dhamaystirka dhismaha Jubbaland.

Qore: Abdirahman Abdisalam Haji
Tifaftiraha Kismaayo24.com