Animation

TOp News: Axmed Maddobe Oo Qaadey Talaabo Aad Uga Farxisey Dadka Reer Jubbaland (Tolow Maxay Tahay???)

no responses
Monday September 19, 2016 - 7:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay bilaabayaan howgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo ku sugan qaar ka mid ah degmooyinka hoos yimaada maamulka Jubbaland.

Afhayeenka Laamaha amniga maamulka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka maamulka Jubbaland ay bilaabayaan howgallo xoogan oo ay Al-Shabaab ka ka saaraayaan gobolka Jubbada Dhexe.

Axmed Maxamuud Maxamed Axmed Carab Afhayeenka laamaha amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Jubbada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan dhammaantiis Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan wacad kumaray in ay Al-Shabaab kasaari doonaan gobolada Jubbooyin gaar ahaan gobolka Jubadda Dhexe oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan.