Animation

TOP NEWS: Ammaanka xarumaha dowladda oo aad loo adkeeyay kadib markii ay soo baxeen hanjabaado shabaab ka imaanaya oo….

no responses
Wednesday May 24, 2017 - 6:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa soo baxayaa in la adkeeyay amniga Wasaaradaha iyo xarumaha kale ee dowlada, kadib markii laga warhelay in maleeshiyada Al-shabaab ay qorsheeyneyso weeraro ka dhan ah xarumaha dowlada.

Wasaaradaha iyo xarumaha lagu daadiyay ciidamada cusub ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ugu muhiimsan waxaana kamid ah Wasaarada Maaliyada, Bangiga Dhexe, Wasaarada Arrimaha dibadda iyo kuwo kale oo dhowr ah.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgashay Bangiga Dhexe, ayaa sheegay inay jirto cabsi dhanka amaanka ah, waxa uuna tilmaamay in maleeshiyada Al-shabaab ay wadaan qorsho lagu weeraraayo xarumaha ugu muhiimsan.

Sargaalkani waxa uu sheegay inay soo ifbaxayaan Hanjabaado ay soo direen Al-shabaab, balse waxa uu cadeeyay inaysan ka jiifan doonin amniga.

Xarumaha qaar ayuu sheegay in la dhigay ciidamo ka tirsan dowlada, halka kuwa ugu muhiimsana la dhigay ciidamo AMISOM ah.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weeraro ka geysta magaalada Muqdisho xiliyada Bisha ramadaan iyo maalmaha kale ee farxada, waxaana iminka fooda nagu soo heysa bisha Ramadaan.