Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Amisom oo Soo bandhigtay Magacyada Saraakiil ka tirsan Alshabaab + Magacyada Saraakiisha la dilay oo Ajaanib ay ku jiraan

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu soo bandhigay magacyada Lix ka mid ah Saraakiishada Xarakada Al-shabaab oo ay ku dileen Gobolka Shabeellaha hoose.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Howlgalka ay wadajir u fuliyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya.

Magacyada la soo bandhigaya ayaa waxaa ay kala yihiin: Cabdi Rashiid Bugdube, oo lagu sheegay Taliyihii AL-shabaab ee Jannaale,Aadan Baalle oo ahaa Taliyihii Al-shabaab ee Leego,Sh. Max’ed Cali oo taliye ku xigeen ka ahaa Jannaale, Max’ed Abriyoow oo ay ku sheegeen Guddoomiyaha Maxkamadda Al-shabaab ee Jannaale,Xasan Cali dhoore,Madixii Amniyaadka Al-shabaab ee Shabeellaha hoose,Abu Islaam oo khabiir ku ah sameynta walxaha qarxa una dhashay Yemen iyo Sheekh Mansuur oo ahaa madaxa tababarrada ee Al-shabaab una dhashay Dalka Kenya.

Taliyaha Qeybta 1aad ee AMISOM Sam Okiding. Ayaa sheegay in howlgalkaasi uu guuleystay islamarkaan aay sidaa u wadi doonaan howlgalka sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in howlgallo miino baaris ah ay ka sameeyeen Jannaale iyo meelo u dhow si ay u fududaato isu socodka dadka iyo Ciidanka AMISOM ee jooga Jannaale.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Warbixinta

Related posts

Xoogsato ka shaqeysta kaawada oo dil iyo dhaawac loogu geystay gobolka Woqooyi bari Kenya

admin

TOP NEWS: Dhageyso Dowlada Federaalka oo Fashilisay Raashin dhacay oo Gar gaar ahaan ay usoo dirtay Wadanka…..

Tifaftiraha K24

Daawpo: Dowladda federaalka oo wafdi heer wasiiro ah u dirtay magaalada jowhar

Tifaftiraha K24