Animation

TOP NEWS: Alshabaab oo weerar qorsheysan ku qaaday ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanada….

no responses
Sunday February 12, 2017 - 7:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xoogag ka tirsan Alshabaab ayaa weerar culus waxa ay ku qaadeen ciidamada dowlada ee ku sugan Degaanada Tixsiile iyo War-maxan ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday ka gadaal markii alshabaab ay weerar qorsheysan kusoo qaadeen deegaanadaasi ciidamada dowladana ay iska difaaceen.

Saraakiisha dowlada ayaa warbaahinta u sheegeen in ay iska difaaceen weerarka kooxda shabaabka ay soo qaadeen iyadoona saraakiishu ay shaaciyeen in dagaalka ay shabaab qasaaro ugu geesteen.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ay ku jabiyeen Xarakada Al-Shabaab dagaal ay xalay kusoo qaadeen Degaanada Tixsiile iyo War-maxan ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale shabaab ayaa dagaalka ka hadlay waxaana ay sheegteen in ay la wareegeen deegaanada tixsiile iyo war-maxan oo gobolka shabeelada hoose ka tirsan ka gadaal markii dagaalyahanadooda ay weerar ku qaadeen.

Shabaabku waxay kaloo sheegteen in qasaaro kala duwan ay dagaalka ku gaadhsiiyeen ciidamada dowlada ee fariisimaha ku leh deegaanadaasi.

Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay kaasi oo soo kala gaaray dhinacyada dirirtu ay dhexmartay.