Animation

TOP NEWS: Alshabaab oo jawaab kulul u dirtay dowladda kenya kadib war shalay ka soo baxay kenya oo lagu sheegay in……

no responses
Saturday April 22, 2017 - 12:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Al Shabaab ayaa beenisay hadal shalay kasoo baxay Ciidamada Kenya oo lagu sheegay in lagu dilay ku dhawaad 52 ka tirsan xoogaga alshabaab kadib weerar ka dhacay meel u dhaw dagmada badhaadhe ee gobolka jubbada hoose.

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta andalus ee afka alshabaab ku hadasha ayaa sheegay in waxbo kama jiraan ay tahay sheegashada Dowlada Kenya ee ah inay dileen 52 dagaalame oo alshabaab ka tirsan.

Afhayeenka waxaa uu sidoo kale sheegay ineysan habayaraatee jirin wax weerar ah oo lagu qaaday xero ciidan oo ay ku leeyihiin Degmada Badhaadhe iyo nawaaxigeeda.

” Ma jiro wax weerar ah oo shalay oo Jicma ah lagu qaaday xero aan ku leenahay Badhaadhe,mana jirto askar nalaga dilay amaba dhaawac nalaga gaadhsiiyay” ayuu yiri abuu muscad afhayeenka dhanka howlgallada alshabaab.

Abuu muscab wuxuu xusay in baahinta wararka been abuurka ah ay kenya u leedahay dhaqan iyo caado oo markasto ay ku faanto war aanba jirin.

” Waa dhaqan iyo caado ay leeyihiin Kenyaatigu inay warar aanan jirin abuuraan, guulo been ahna ka sheegtaan goob aanu wax dagaal ah ka dhicin, ujeedadoodu waa inay shacabkooda niyada ugu dhisaan guulaha dhalanteedka ah ee ay warbaahinta u marinayaan” ayuu intaa ku daray abuu muscab.

War saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda dhulka oo adeegsanaya sirdoon iyo hubka hoobiyayaasha ay bartilmaameedsadeen meel 9 km u jirta degaanka la yidhaahdo Sarira oo u dhow magaalada Badhaadhe weerarkaasna lagu dilay 52 ka tirsan xoogaga alshabaab.