Somali News Top News

TOP NEWS: Al-Shabaab oo Amar aan Caadi aheyn kusoo rogay Odayaasha Ku Nool Deegaandii ay kula Dagaalameen Ciidamada…

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee ku sugan qeybo  ka mid ah Gobolka Gedo ayaa Odayaasha ku nool Degaanada Ceel-cadde iyo Ceel-gaduud ee Gobolka Gedo ku amray in ay ka qeyb qaataan Dagaalka Al-shabaab ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM.

Al-shabaab ayaa Odayaasha Degaanadaas ku amray in ay keenaan Dhalinyaro Is Qarxisa,inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Qaar ka mid ah Odayaasha ku nool Ceel-cadde iyo Ceel-gaduud oo la hadlay Warbaahinta iyagoo qariyay Magacooda  ayaa sheegay in Al-shabaab ay Odayaasha kulan la qaateen Ujeedka kulankuna uu ahaa in Degaanadaas laga keeno Dhalinyaro ka qeyb noqta Dagaalka Al-shabaab ay kula jiraan Ciidanka AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya.

Odayaasha ayaa Walaac balaaran ka muujiyay Amarka uga yimid Al-shabaab ee ah in ay keenaan Dhalinyaro is Qarxisa.

Related posts

Dhageyso: Maxkamadd Ku Taala Boosaaso oo maanta Xukuno kala duwan ku Riday Rag Lagu Eedeyay Daacish

Tifaftiraha K24

SAWIRRO: Farmaajo oo kula kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad ee Burundi

Sakariye Sakariye

Muuqaal: Maxaadan Ogeyn Oo Dadka Reer Jubbaland u Fiican Oo Kismaayo Lagaga Dhawaaqey???

Tifaftiraha K24

1 comment

Comments are closed.