Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Caawa ka Cusub Dagmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo oo Galabta uu ka dhacay…..??

no responses
Friday September 16, 2016 - 8:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Galabta Gabal dhicii ay dagaal kula wareegeen Dagaal yahano ka tirsan Alshabaab Dagmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Shabaabka ay Goordha Halkaasi isaga baxeen.

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada AMISOM Ee ka socda Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya  iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu mudo soconayay,waxaana Gacan ku haynta Degmada la Wareegay Al-shabaab.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada uga baxay Dhanka Xaduuda Kenya.

Shabaabka waxaa la sheegay in ay Furteen Gaadiid kuwa Dagaalka ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku dhintay Taliyihii Dagmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo inkasto aan la ogeyn in Dagaalka uu ku dhintay iyo In shabaabka ay toos u dileen.

Warar Goordhaw soo baxay ayaa tibaaxaya in dagaal yahanadii Shabaabka ee Magaalada la wareegay ay hada dib uga baxeen.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Dagaalka uu qaatay mudo saacado ah, sidoo kalena uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Xaalad cabsi ah ayaa caawa  ka jirta Deegaanka ay ku dagaalameen Ciidanka Dowladda iyo Dagaalyanada Al-shabaab.

Maamulka Dagmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo weli kama aysan Hadlin Waxaana Isku dayi doona in aan xiriir la sameyno maamulka dagmada.

Goordhaw Naga Filo Wareysi dhinacyo badan taabanaya Hadii ay Inoo suurta gasho Insha allah.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka