Somali News Top News

TOP NEWS: Akhriso Qodobadii Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka soo Saaray Hanaanka Doorashada iyo Gobolka Banaadir oo Aqalka sare loo…

Muqdisho, 22 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray xeer uu ku go’aaminayo hannaanka doorashada dadban ee sannadka 2016.

Shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtey xafiiska madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in si looga fogaado khilaaf ka dhex dhasha Baarlamaanka Federaalka, dowladda dhexe iyo maamullada gobollada uu go’aansadey inuu soo saaro xeerkan, iyadoo loo daneynayo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Qodobada uu Madaxweynuhu xeeriyay ayaa ah kuwan soo socda.

Qodobka 1aad

1. In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.
2. In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta.

Qodobka 2aad

1. In la ilaaliyo mabda’ Dastuuriga oo ah in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
2. Suurta galinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixi tabasho ah, go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.

Xeerkan ayaa dhaqan-galey maanta kadib markii uu si rasmi ah qalinka ugu duugay Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

————————DHAMMAAD—————————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Related posts

Dhagayso:- Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Barlamaanka oo kormeer ku tagay golaha shacabka

admin

Daawo sida Wasiirki hore ee Caafimadka Jubbaland u xilka ugu wareejiyay Wasiirka Cusub

admin

Sawirro: Ciidamada Ammaanka oo Toogasho ku dilay Shabaab doonayay in Hotel Saxafi gudaha u galaan

admin