Animation

TOP NEWS: Akhriso Qodobadii ay isku Afgarteen Raisul Wasaare ku Xigeen Cumar Carte iyo Odayaasha Dhaqanka Hiiraan+Sawirro

no responses
Monday October 3, 2016 - 4:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carteh iyo duubabka, maamulka iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ayaa kulamo isdabajoog ah oo ay labadii cisho ee lasoo dhaafay ku yeeshay magaalada Baladweyne isku afgarteen qodobo hordhac ah.

Kulan dheer kadib oo dhexmaray Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xiigenka dalka, iyo qaar kamid ah duubabka dhaqanka ee gobolka Hiiraan oo uu horkacayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayeey ku heshiiyeen qodobada soo socda;

  • Waxaa la isu afgartay in si degdeg ah loo bilaabo Wadahadal leysugu soo dhaweeynayo kala aragti duwanaanta jirta.
  • Waxey  kalsooni buuxda siiyeen wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si ay xal ugu raadiyaan caqabadha siyaasadeed ee hortaagan geedi socodka dhismaha maamulka labada gobol.

Ugu dambeyn, Wafdigi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa socod dheer ku soo maray magaalada Baladweyne kadibna galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

k1 k2-1 k3 k4

Facebook Comments