Animation

TOP : Guddoomiyaha cusub ee Muqdisho oo xil ka qaadis bilaabay

no responses
Thursday November 5, 2015 - 9:14 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Gudoomiyaha  shaqada ku cusub  ee gobolka  Banaadir  Mr, Madaale  ayaa waxaa uu bilaabay  xilka  qaadista  qaar ka mid ah saraakiisha  uu shaqada  gobolka  ugu yimid.

Guddoomiye  Madaale  ayaa waxaa uu xil ka  qaadista  ku sameeyey  Saalax  Jiis  oo ah sarkaalka  madaxda ka ah ammaanka  xarunta dowlada  hoose ee Muqdisho.

Salaax  Jiis,  ayaa waxaa uu ahaa  nin xitaa Muungaab  ka hor xilkaasi hayey,  iyaddoo aan la ogeyn  sababta hadda xilka looga  qaaday.

Guddoomiyaha  ayaa xilkaasi u magacaabay  Abdisalaam  Dheere,  oo ka mid ah xulufada  aad ka  ugu dhaw  guddoomiyaha  cusub.

Dhinaca kale,  waxaa la saadaalinayaa  in xilka qaadista  ay saameyn doonto  guddoomiyayaal  degmo,  saraakiil  iyo xitaa afhayeenka  gobolka.

logokis2

Facebook Comments