Animation

TOP: Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Sababta Al-shabaab ugu sahlanaanto Dilalka Muqdisho

no responses
Sunday November 8, 2015 - 8:45 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaabka ugu sahlan ee Alshabaab ay ku helaan hubka ay dilalka kaga geystaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in Alshabaab ay hubka ka helaan meel kasta oo  magaalada Muqdisho kamid ah.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay waddo qorshe ku mamnuuceyso dhamaaan hubka sharci darada ee lagu dhex wato xaafadaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa wuxuu yiri “Dadkan nabadiidka ah hubka meel kasta ayay ka heli karaan Xamar. Magaalada oo dhan baa hub haysata.”

Waxa uu iftiimiyay inay wadaan dadaalo mid sharci darro ah looga dhigaayo hubka lagu dhex haysto Caasimadda, iyadoona ay dadka hubka haysan doonaan, marka loo sharciyeeyo oo keliya.

“Weli hubka Magaalada lagama uruurin, waxa gacanta Dowladda ku jira mooyee waxa kala oo dhan, waxaan wadnaa in sharco darro laga dhigo, oo qofna hub aan u sharciyeysnayn haysan karin.” Ayuu yiri Wasiirku.

kimaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle

Facebook Comments