Animation

Top: Dhismaha Darbiga Kenya ee Xuduuda oo la shaaciyay in la joojiyay + Jubbaland oo ka hadashay 

no responses
Monday November 16, 2015 - 7:25 under Breaking News by admin
mqdefault

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay dhismaha darbiga dowlada Kenya ka dhiseyso xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland C/qaadir Luga-dheere, ayaa shaaciyay in dowlada Kenya ay kala hadleen joojinta darbiga ay ka dhiseyso xuduuda ay labada dal wadaagaan, islamarkaana la joojiyay dhismahaasi.

Luga-dheere, ayaa sheegay in madaxweynaha Jubbaland iyo isagaba ku sugan yihiin magaalada Nairobi iyaga oo doonaya iney kala hadlaan dowlada Kenya dhamaan eedeymaha loo jeediyay iyo joojinta dhismaha darbiga, wuxuuna cadeeyay iney ka aqbaleen joojinta dhismaha darbiga, lana furayo wadahadal ku aadan arimahaasi.

Sidoo kale wuxuu been abuur ku tilmaamay dhamaan eedeymihii loo jeediyay ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo sheegay in maamulkooda ay ka war hayaan dhaqdhaqaaq walba oo ciidamada Kenya ka sameeyaan Jubbaland.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Luga-dheere, ayaa sheegay in maamulkooda ku howlan yihiin loosoo dhameystiri lahaa golaha wasiirada maamulka JUbbaland.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle