Animation

TOP: Ciidamada Barre Hiiraale iyo Ahmed Madoobe oo dagaal uu dhexmaray

no responses
Wednesday November 4, 2015 - 1:19 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararka ka imaanaya deegaanka Goobweyn ayaa sheega inuu halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Ahmed Madoobe iyo kuwa Barre Hiiraale, sida uu sheegay Abdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Barre Hiiraale.

Sarkaalkan ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkan uu bilowday kadib markii ciidanka Ahmed Madoobe weerar kusoo qaadeen saldhiga ciidanka Barre Hiiraale ee ku yaal deegaanka Goobweyn, iyagoona isku dayey inay xoog kusoo galaan. Waa sida uu hadalka u dhigaye Abdirashiid Macalin Gaas.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in dagaalkaasi uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay  gaarsiiyeen ciidanka Jubbaland, kuwaasi oo uu ku sheegay laba askari oo ay ka dileen, iyagoo buu yiri mid ka mid ah ay meydkiisa horey usii qaateen. Waa sida uu sheegay sarkaalkaasiye.

Maamulka Jubbaland ayaan ka hadal warka kasoo baxay saraakiisha Barre Hiiraale ee sheega inuu saaka dagaal dhexmaray, waliba mid geystay khasaaro dhimasho.

Warbaahinta K24 ayaa isku dayeysa inay hesho xaqiiqda dagaalkaasi, iyaddoo aysan ilaa hadda inoo suurtagelin dhinaca Jubbaland iyo dadka deegaanka ee ku sugan goobweyn, kuwaasi oo wax inooga sheegi kara dagaalkan. Wixii soo kordhase waan idin soo gudbin doonaa.

logokis2

 

 

Facebook Comments