Animation

TOP: Cali Xersi Barre Gaab oo amaro  kusoo rogay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya 

no responses
Sunday November 8, 2015 - 8:12 under Breaking News by admin
mqdefault

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa amaro kusoo rogay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kadib dilkii loo geystay xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Cali Xersi Barre Cali Gaab oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada u jeedinayaan ineysan socon magaalada Muqdisho dhexdeeda iyaga oo aan wadan hub iyo ilaalo.

Cali Gaab, wuxuu sheegay in xildhibaanada ay leeyihiin ilaalo u sharciyeysan oo qaata Mushaar, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in magaalada aysan ku dhex socon ilaalo la’aan.

Cali Gaab, ayaa sheegay in xildhibaankii shalay lagu dilay magaalada Muqdisho uu ahaa ilaalo la’aan, isagoo sheegay iney ka xun yihiin dilka xildhibaanka loo geystay.

Ugu dambeyn Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka    baaqay haddii aanay haysan wax ilaalo ah, ayna doonayaan goobo ay taggaan, looga baahan yahay in ay la soo xiriiraan Saldhigyada Booliska ee ugu dhow, si ilaalo loogu soo diro.

Xildhibaan Gurxan, ayaa noqonaayo Xildhibaankii 6-aad ee sanadkan lagu dilo Magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyadda dilkiisa sheegatay Al Shabaab.