Animation

TOP: Baarlamaanka Soomaaliya oo Go’aan Rasmi ah ka qaadanaya Ciidamada Kenya ee ku sugan somaliya

no responses
Saturday November 14, 2015 - 8:27 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah ka yeelanaya qaraar ay ka diyaariyeen dhul boobka dowlada Kenya ay ka waddo xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa looga doodayaa qaraar ay soo diyaariyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo kala xulay gudiga arimaha dibada iyo gudaha ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha baarlamaanka ayaa maanta eegaya qaraar ay soo diyaariyeen wakiilo laga soo xuray xubnaha barlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo yimid markii kulan ay yeesheen gudiyada arimaha dibada iyo amniga gudaha ee baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maanta la filayo in qaraar rasmi ah ay kasoo saaraan xildhibaanada baarlamaanka oo ay kaga hadlayaan boobka Kenya ka waddo dhulka dhanka xuduuda ku yaala.

Dowlada Kenya ayaa la sheegayaa iney gudaha Soomaaliya dhanka dhulka usoo gashay ku dhawaad seddex kiilomitir, waxaana taasi ay dhalisay in xubnaha baarlamaanka ay kulamo deg deg ah ka yeeshaan.

Waxaa la sugayaa go’aanka maanta xildhibaanada baarlaamaanka ka qaataan qaraarka ays oo diyaariyeen.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle

Facebook Comments