Animation

Top: Axmed Madoobe oo ka Dhawaajiyay Hadal lama filaan Noqday lana wada sugayay

no responses
Sunday November 8, 2015 - 8:43 under Breaking News by admin
mqdefault

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay waqtiga kama dambeysta ah oo Alshabaab u qorsheeyeen iney ka saaraan deegaanada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka dhawaajiyay in Alshabaab ay ka saari doonaan guud ahaan Jubbaland bilowga sanadka soo socda ee 2016.

Axmed Madoobe wuxuu shaaciyay in ciidamada Jubbaland ay qaateen tababaro kala duwan oo ku aadan adkeynta amaanka iyo la dagaalanka Alshabaab.

Sidoo kale ciidamada AMISOM saraakiishooda Jubbaland ku sugan ayuu sheegay iney isla garteen iney ka saaraan Alshabaab dhamaan deegaanada ay ka joogaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Alshabaab ayaa gacanta ku haya dhamaan degmooyinka Jubbada Dhexe iyo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle