Animation

TOP: Abdikariim Guuleed oo kale diray mid ka mid ah golayaashiisa. SABAB?

no responses
Wednesday November 4, 2015 - 1:11 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha Galmudug Abdikariim Guuleed oo baryahan socdaal ku joogay magaalada Galkacyo qeybta Galmudug, ayaa waxaa uu gebi ahaan kala diray golihii deegaankaasi uu lahaa.

Wararka ay warbaahinta Kismaayo24.com ka heshay ilo ku dhaw Abdikariim Guuleed ayaa sheega inuu doonayo soo magacaabista gole cusub oo ka duwan midka hadda uu  kala diray.

Dadka sida dhaw ula scoda siyaasada Abdikariim iyo waxa ay salka ku heyso ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha doonayo sidii uu gollaha deegaanka salka ugu dhigi lahaa shaqsiyaad isaga siyaasadiisa taageersan, oo ka duwan kuwii uu  ugu yimid ee uu ka dhaxlay Abdiqeybdiid.

Durba waxaa guux uu ka dhashay xilka qaadista guddoomiyaha gobolka Mudug qeybta Galmudug maamusho Aweys Ali Saciid, kaasi oo taageero weyn ku dhex leh gobolka.

Lama yaqaan sida ay noqon doonaan gollaha usoo magacaabi doono Abdikariim Guuleed iyo waxa ay noqon doonto falcelinta shacabka deggan koonfurta Galkacyo ee hoostaga maamulka Galmudug.

Dhinaca kale isku day kan  la mid ah ayaa waxaa magaalada Cabudwaaq ka sameeyey madax ka tirsan Galmudug, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabeey, iyaddoo dhinaca kale Ahlusuna lafteeda ay maamul kale usoo magacaabatay Cabudwaaq.

logokis2

 

Facebook Comments