Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa si habsami leh uga socota xarunta golaha shacabka.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta u codeynaya shaqsiga hogaaminaya kalfadhiyada baarlamaanka waxaana doorashada ku tartamaya musharixiin dhowr ah.
Xildhibaano gaaraya 262 xildhibaan ayaa ku sugan xarunta golaha shacabka oo u codeynaya guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka waxaana doorashada korjoogta ah guddoomiyaha golaha aqalka sare guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan.
Halkaan Hoose Toos uga Daawo Doorashada