Animation

Toos Baardheere: Taliye Booliis oo ay Dowladda u Magacowday Degmada Baardheere oo Maalintii Sadexaad u Xiran Ciidamada AMISOM.

no responses
Thursday December 3, 2015 - 8:43 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararaka ka imaanaya Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Baardheere ayaa sheegaya in Mudo saddex Maalin ah halkaa uu Ciidamada AMISOM Faraca Kenya uu ugu xiran yahay Col. C/casiis Sheekh Cali Aftaag oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya Sargaalka ku xiran Degmada Baardheere uu tagay halkaa asagoo sheeganaya in loo magacaabay Degmada Baardheere oo Dowladda Federaalka ay soo dirtay.

Ciidanka Kenya ayaa Hadalkaasi ka biyo diiday,iyagoona Sargaalkaan lagu Magacaabo Aftaag ku xiray Xabsi ay maamulaan oo ku yaalla Degmada Baardheere.

Saraakiisha Ciidamada Milatariga ee ku sugan Degmada Baardheere ayaa in ay wadaan Dadaalo ay ku siideynayaan Sargaalkaan dibna loogu soo celinayo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Amarka lagu xiray Sargaalkaan Booliska ka tirsan uu bixiyay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Jubbaland Gen.Fartaag.

Facebook Comments