Arimaha Bulshada Breaking News Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Toorey lagu dhaawacay Musharax Madaxweyne oo ololiisa doorasho ku guda jiray (Daawo Sawirro)

Musharaxa ugu cadcad doorashada madaxwaynanimada dalka Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa mindi lala dhacay xilli uu ku jiray ololo doorasho.

Dhacdadan ayaa ka dhacday isu soo bax lagu qabtay Juiz de Fora, oo ka tirsan gobolka Minas Gerais.

Wiilka Mr Jair Bolsonaro ayaa sheegay in aabihii uu dhaawac ka soo gaaray qaybta hoose ee caloosha, balse uu wanaagsaan oo uu ka soo kabnayo.

Booliiska dalka Barazil ayaa waxay sheegeen in qof looga shakisan yahay weerarkaasi ay xireen.

Sida ku cad ra’yi uruurin dhawaan la soo saaray hogaamiyahan midig fog Mr Bolsonaro ayaa helaya codadka ugu badan bisha October, waa haddii madaxwaynihii hore Lula da Silva uu ku guuldareysto laalida amarka ah in uusan doorashada u tartami Karin.

Lula da Silva ayaa imika ku jira xabsi ka dib markii lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.

Maxkamada arrimaha doorashooyiinka ayaa maalmo ka hor soo saartay guddoon mr Lula looga horistaagayo in uu doorashada u tartamo.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso C/Samad Gallan oo Dhulka la galay Cabdi wali Gaas Isagoona Daboolk ka qaaday Sirta ka dambeysa Shabaabka soo galay deegaanada Puntland

Tifaftiraha K24

Daacishta Soomaaliya oo adeecay Amiirka cusub ee kooxda Daacish loo doortay.

admin

Warbixin Cusub: Qaramada Midoobay oo Warbixin Cusub ka soo saartay Tirada Rasmiga ah ee ka Barakacay Colaada Galkacyo iyo Caruurta Dugsiyada ku waayay

Tifaftiraha K24