Animation

Tarsan oo Fariin ka kooban Lix Qodob usoo diray Xasan Sheikh Maxamuud dalbadeyna in la taageero Axmed Madoobe

no responses
Tuesday November 17, 2015 - 8:36 under Somali News by admin
mqdefault

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu si adag kaga hadlay damaca dowlada Kenya ku dooneyso iney ku boobto dhulka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la adkeeyo hadalkii kasoo baxay baarlamaanka Soomaaliya.

Tarsan wuxuu si cad u sheegay in dowlada Xasan Sheikh Maxamuud looga baahan yahay  iney wadahadal dhab ah la gasho madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin wadani ah.

 

Hoos ka akhriso qoraalka Tarsan.

Waxaan ka codsani Madaxweynaha iyo xukuumada in ay ka faaideystaan fursada uu u sameeyey Barlamaanku. Madaama uu barlamaanku yahay hey’adii sharci dejinta xukuumada waxaa laga rabaa in ay fuliso go’aanada ay sharciyeeyeen, Kenyana u sheegaan in Barlamaankii sharciyeeyey in ciidamada Kenya dalka ka baxaan oo ay ku ekaadan xuduudkooda dowladuna balanqaado in ay dhankeeda sugeyso xuduudkena. Taasi sidey bey ku imaan kartaa?

Waxaan qabaa in Madaxweynuhu uu wada hadal dhab ah la galo Madaxweynaha Jubaland, waxaan aaminsanahay in Axmad Madoobe uu yahay wadani run ah laakiin ay heysato daruufo badan taas oo ku riixeysa in uu u ku dhowaado dowladda Kenya Waayo waxaa jirta kalsooni daro ka dhexjirta madaxda dalka oo dhan taasna waxay keentey in ay ku heshiin waayaan danaha dalka. Sidaas darteed Madaxweyne Hassan Sheikh waxaa laga rabaa in uu kalsooni abuuro gaar ahaan kalsoonida Axmad Madoobe. Waxaan ku talini in uu qaado tilaabooyinka soo socda:

1- In uu wadahadal dhab ah la galo Axmad Madoobe si ay isku aragti uga noqdaan maslaxada dalka iyo rabitaanka Kenya ay ku dooneyso badda Somaaliyeed iyo burburinta soohdintii u dhaxeysey Kenya iyo Somaaliya oo uu isticmaarkii ka tegey.

2- In Axmad Madoobe la siiyo kalsooni in uu yahay masuul Somaaliyeed, garab xoogana ay dowladu u noqoto sidii uu u hanan lahaa amniga Gobolkaas iyo la dagaalanka Al Shabaab.

3- In Dowladu Axmad madoobe garab ku siiso sidii uu wada hadal dhab ah ula geli lahaa qabaa’ilka wax tabanahaya si loo mideeyo awooda bulshada ku nool goboladaas, Waxaa muuqata in uusan jirin in hogaamiye kula tartami kara hogaanka Jubaland dowladuna waa in ay taas fahamtaa.

4- in dowladu diyaariso ciidan bedeli kara ciidamada Kenya hanan karana amniga xuduudkaas, waana in uu noqdaa ciidan isku dhafan hogaankiisuna uu talo ku yeeshaa Madaxweynaha Jubaland, waana in uu ciidankaas noqdaa mid uu amar ku leeyahay Axmad Madoobe.

5- Dowladu hadii ay dhabka tahay in ay hanato dalka amnigiisa waa in ay dejisataa qorshe waqtiyeeysan oo ay kula wareegeyso amniga iyo maamulka xuduudyada waayo dowlad aan awood u lahayn in ay xuduudkeeda ka adkaato, oo uu xuduudkeedu furanyahay amni ma sugi karto.

6- Madaxda dalka oo dhan oo ay ka midyihiin madaxda dowlad goboleedyada waxaan kula talin lahaa inta aad garab iyo taageero ka radineysaan dal kale oo danihiisa wata, in aad dhexdiina ka raadisaan kalsooni.

Dalku yuusan faraha ka bixin inta aad adinku is fiirsaneysaan, waxa idinka dhexeeya ayaa ka badan waxa aad isku khilaafsan tihiin. Waa in aad isu sabartaan oo aad isu tanaaasushaan, waa in aad markasta raadisaan sidii uu midkasta oo idinka mid ah uu u dareemi lahaa in uu gueleystey. Inta uu qof idinka mid ah uu dareensan yahay in laga guuleystey oo laga adkaadey lagama yaabo in uu is dhiibo taas ayaana keeneysa in aad isu raadsataan awoodo kale.

Ogaada dalka anaga ayaa leh anaga ayaa laga rabaa in aan khilaafkeena xalino.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle