Taliyihii nabadsugida Jubbaland oo gudaha u galay Kismaayo iyo Axmed madoobe oo ku fashilmay in u tarxiilo..

0

Jubbaland oo ku guuldaraysatay in ay soo tarxiisho taliyihii Nabadsugida Jubbaland ee ay Shalay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Nabadsugid Jubbaland Col Mire Ducaale oo ay galbinayaan Ciidamada Amsiom ayaa gudaha u galay Magaalada Kismaayo waxana uu dhawaan bilaabaya shaqadii lo igamaday.

Maamulka Axmed madoobe oo rabay in u saaka Diyaarad soo saaro Taliyaha Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa uu digniin culus kala kulmay Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Kismaayo waxana lo sheegay in hadu ku dhiirado amarkaasi ay uga iman karto cawaaqib xumo usan mahadin.

Dhanka kale Beesha reer Isaaq ee uu ka dhashay taliyihii guutada 43 xaad ee dhawaan laga celiyay magaalada kismaayo ayaa ayaguna dalbaday in taliye bogmadoow u magaalada so gaaro ayago uga digay Axmed madoobe in u taliyahaasi wax yeelo u gaysto.

 

Maamulka Gabalkiisu si dhacaayo ee axmed madoobe ayaa ku jira xaalad adag waxana u cadawaad aan la mahadin ka samaystay Dowlada dhexe ee Somalia taas oo dhankasta uga awood badan.