Taliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo is Casilay

0

Dayr Xaaji Cabdi waxaa uu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland,waxaa uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas islamarkaana uu warqadda is casilaaddiisa u gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Gaas ayaa warqadda is casilaadda ka qabtay Taliye Dayr hayeeshee ma uusan sheegin in uu ka aqbalay iyo in kale,waxaana la filayaa in uu dhawaan go’aan ka qaato is casilaadda Taliya ku xigeenka Daraawiishta Maamulka Puntland.

Taliye Dayr Xaaji ma uusan sheegin sababta uu isku casilay hayeeshee waxaa uu maalmihii la soo dhaafay warbaahinta ka sheegayay in mushaar la’aan ay heysato Ciidamada Daraawiishta Puntland gaar ahaan kuwa ku jira xerada 54aad halkaas oo ay Ciidamo badan ku suganyihiin.

Saraakiisha Ciidamada Puntland iyo Xukuumadda ayaa dhowr jeer isku dhacay iyada oo ay sabab u ahayd mushaar la’aan darteed.

Ciidamada ayaa dhowr jeer qabsaday Xarumaha Bangiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda hayeeshee markasta waxaa laga gaarayay xal.