Animation

Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo markii ugu horeysay sheegay in lala xisaabtami doono Beesha Caalamka

no responses
Friday November 6, 2015 - 6:11 under Somali News by admin
mqdefault

C/laahi Gaafow Maxamuud oo ah Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa markii ugu horeysay sheegay in lala xisaabtami doono wixii hada ka danbeeya Beesha Caalamka .

Mar uu ka hadlayay waxa lagala xisaabtamayo beesha Caalamka ayuu sheegay inay jirto dad ay dalka ku soo geliyaan si sharci daro ah kadibna ay kaga tagaan isagoo ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho isagoo aan heysan wax sharci daro ah.

“Beesha Caalamka wixii hada ka danbeeya lagama aqbali doono in dad Ajnabi ah ay dalka si aan sharci ahayn ku soo geliyaan kuwaasoo raba inay gudaha dalka ka shaqeystaan “ayuu yiri C/laahi Gaafow Maxamuud

Taliyaha wuxuu ugu baaqay dadka ajaanibta ah ee sida sharci darada ah ku jooga dalka inay iska diiwaan geliyaan xafiiska Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

“Dowladu Talaabo ayay ka qaadi doonaa ajnabi kasta ee la qabto isagoon heysan warqadaha dalka ku jooga”ayuu yiri

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle