Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Ku Wajahan Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gal-Gaduud

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen: Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe iyo saraakiil kale ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-gaduud.

Taliyaha iyo wefdigiisa ayaa ku wajahan deegaanka Xeraale halkaas oo iyana laga bilaabi doona diiwaangelinta ciidamadii Ahlu-sunna ee ku biiray dowladda fedraalka oo qeybtii hore ee diiwaangeli tu ay ka bilaabatay magaalada Dhuusa-mareeb.

Shalay ayay aheyd markii munaasabad lagu qaramayanayay ciidamadii ahlu-sunna ay ka dhacday magaalada Dhuusa-mareeb waxaana sidaas oo kale deegaano kale ka bilaabanaya diiwaangelin hor leg.