Somali News

Taliyaha ciidanka booliska soomaaliya oo xil cusub magacabay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, ayaa magacaabay Saddex Taliye Ciidan, kuwaasoo kamid ahaa Saraakiisha Booliska soomaaliya.

Cabdifitaax Bashiir Mire Cali Waxaa loo magacaabay Taliyaha saldhigga booliiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabdikariin Macalin  ayaa isaguna loo Magacaabay Taliyaha Akademiyada Ciidanka boliiska.

Sarkaal kale oo isaguna magaciisa lagu soo gaabiyay Asad waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Miina Baarista boliiska, Sarkaalkan ayaa in mudo ahba ka tirsanaa qeybtan Miina Baarka ee Booliska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar oo mudo kooban uun xilka hayay, ayaa mudooyinkii u danbeeyay sameynayay Isbedelo dhinaca Hoggaanka Booliska Soomaaliya iyo midka gobolka Banaadir.

Related posts

Daawo: Maxaadan ogeyn oo maanta ka socda magaalada cadaado xili maalintii shalay halkaasi uu gaaray madaxweyne xaaf ??

Tifaftiraha K24

Akhriso: Pentagon-ka mareykanka oo war xasaasi ah ka soo saaray weerarka lagu bur buriyay saldhig shabaab ay ku leeyihiin saakoow

Tifaftiraha K24

XOG: Xasan Shiikh iyo Xaasaskiisa oo 4 sano kadib ka taajiray Hantida ummadda

admin