Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Goobe Oo Qorshe Cusub U Degay Shabaab & Daacishka Lasoo Xukumo

0

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa waxa uu ka hadlay Qorshaha ay dejiyeen Ee Maxaabiista ah.

Bashiir Goobe ayaa waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in Seddex Munaasabadood ay Kulmeen Maanta ayna Xafladooda ka dhacday Muqdisho.

Mida koobaad waa 49 sano guurada Maalinta la aas aasay Ciidanka Asluubta,Xabsiga ugu Casirsan Qaarada Africa Oo La xarig jaray iyo Mashruuc lagu dhisayo Xarun lagu dhaqan celinyo Shabaabta iyo Daacishta lasoo xukumo Ee Maxaabiista loo keenayo.

Waxa uu sheegay in Xaruntaasi la dhagax dhigay ay ka dhigan tahay in lagula dagaalamayo fikirka Xagjirka ah oo dhibaato weyn ku ah Dalka iyo dadka sida uu warka udhigay.

General Bashiir Goobe oo Seddex Jeer xilkaan Asluubta soo qabtay waxa lagu amaanay hormarka uu gaarsiiyey Ciidankaasi islamarkaana wax badan uu uqabtay Maxaabiista.